Gachagua oo ku baaqay saxaafad mas’uul ah

0
176

Ku xigeenkii hore ee madaxweynaha, Rigathi Gachagua, ayaa ugu baaqay saxafiyiinta inay ilaaliyaan warbixin mas’uuliyad leh oo dhexdhexaad ah, xilli Kenya ay u dabaaldegayso Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka. Waxaa uu sheegay in mowduuca sannadkan uu muujinayo doorka muhiimka ah ee saxaafadda ay ku leedahay wacyigelinta iyo waxbaridda bulshada.
Gachagua ayaa xusay inuu ku biirayo caalamka si loo maamuuso saxafiyiinta “waqtigooda hura oo halis u galiyo noloshooda” si ay u gudbiyaan xog, u badbaadiyaan nolosha, isla markaana u ilaaliyaan deegaanka.
Waxaa uu tilmaamay in xorriyadda saxaafadda ee dalka ay horumar ballaaran samaysay, balse uu ku adkeeyay in aan la dayacin, gaar ahaan iyadoo dalka uu ku sii jeedo doorashada guud ee 2027. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xorriyadda ay la socoto mas’uuliyad iyo dhexdhexaadnimo.
Ugu dambeyn, Gachagua ayaa sheegay in saxaafad xor ah ay laf dhabar u tahay dimuqraadiyadda, isla markaana ay door weyn ka qaadato ilaalinta xuquuqda aadanaha, horumarka iyo amniga dalka.