Wasiirka Caafimaadka Aadan Barre Ducaale, ayaa si kulul u dhaliilay hadallo uu jeediyay ku xigeenkii hore ee madaxweynaha, Rigathi Gachagua, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo kala qaybinaya bulshada. Ducaale ayaa sheegay in hadallada lagu xiriirinayo ismaamullada Mandheera, Gaarisa iyo Wajeer ururka Al-Shabaab ay yihiin kuwo meel ka dhac ku ah bulshada ku nool Gobolka Waqooyi Bari ee dalka.
Waxaa uu sidoo kale cambaareeyay eedeymaha sheegaya in guddoomiye xaafadeedyada ay heshiisyo la galaan dambiilayaal, isagoo ku tilmaamay hadallo dhaawacaya sumcadda hoggaanka deegaanka. Ducaale ayaa xusay in hadallada noocaas ah ay wiiqayaan midnimada qaranka isla markaana abuuri karaan kala fogaansho bulsho.




