Ururka Tifaftirayaasha Warbaahinta dalka ayaa sheegay inay sii kordhayaan hanjabaadaha lagu hayo suxufiyiinta soo tabiya musuqmaasuqa, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo sharciyada iyo ilaalinta hay’adaha si loo badbaadiyo shaqada baarista warbaahinta.
Shir aqoon isweydaarsi oo ay qabatay Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa ee EACC oo dhacay 14-kii bishan April, ayaa ururka uu ku sheegay in cabsi gelin, dacwado iyo ololeyaal sumcad dil ah lagu beegsanayo wariyeyaasha si loo aamusiyo wararka musuqmaasuqa.
Ururka ayaa sidoo kale sheegay in si sii kordhaysa loo adeegsado dacwado lagu xannibo warbaahinta oo ay dadka awoodda leh ku joojinayaan ama dib u dhigayaan warbixinada, taasoo dhibaato ku ah xorriyadda saxaafadda.
Waxaa ay ku baaqeen in la xoojiyo ilaalinta dadka xogaha bixiya iyo in si fudud loo helo macluumaadka hay’adaha dowladda, si loo hubiyo in warbixinada ay noqdaan kuwo sax ah oo caddeyn ku saleysan.
Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa ee EACC ayaa dhankiisa sheegay in horumar laga sameeyay dacwadaha musuqmaasuqa, inkastoo ay weli jiraan lacago badan oo la lunsaday, ayna muhiim tahay in diiradda la saaro ka hortagga halkii kaliya laga eegi lahaa ciqaabta.
Home Wararka Kenya Ururka Tifaftirayaasha dalka oo ka digay hanjabaado lagu hayo suxufiyiinta soo tabinaayo...




