Siddeed qof oo ku dhintay shil gaari oo oo ka dhacay jidka Mai Mahiu iyo Narok

0
70

Siddeed qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay deegaanka Nairegia ee ku yaalla waddada mashquulka badan ee xiriirisa Mai Mahiu iyo Narok.
Shilka ayaa dhacay abaare 5:30 galabnimo ee Sabtida, waxaana ku lug lahaa gaari nooca xamuulka qaada iyo gaari nooca Voxy. Sida lagu sheegay warbixin booliis, gaariga xamuulka ah oo ka yimid Narok kuna sii jeeday Mai Mahiu ayaa darawalkiisu xakamaynta lumiyay markii uu gaaray goobta shilka.
Gaariga xamuulka ah ayaa ka baxay jidkiisii, waxaa uuna si toos ah ugu dhacay gaariga Voxy ee ka imaanayay jihada ka soo horjeedda. Saameynta shilka ayaa sababtay in darawalkii Voxy iyo toddobadii qof ee la socday oo isugu jiray saddex rag ah iyo afar haween ah ay goobta ku geeriyoodaan.
Darawalkii gaariga xamuulka ah ayaa dhaawac culus soo gaaray, waxaana loo qaaday isbitaalka Waxbaridda iyo Gudbinta ee Narok halkaas oo lagu daweynayo. Meydadka dadka dhintay ayaa sidoo kale la geeyay isla isbitaalka si loo aqoonsado loona sameeyo baaritaan dheeri ah, iyadoo booliiska ay wadaan baaritaanno ku saabsan sababta shilka.