Dowladda ayaa kordhisay muddada 30 maalmood ah ee qaybo ka mid ah ismaamulka Marsabit lagu sii haynayo xaalad amni darro iyo khatar ah, si wax looga qabto welwelka amni ee halkaas ka jira.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyay wargeys rasmi ah oo ku taariikhaysan 24-kii bishan April, waxaana saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen, ka dib wadatashi lala yeeshay Golaha Amniga Qaranka.
Deegaannada uu saameyay amarkan ayaa waxaa ka mid ah Hillo Gorgora, Hillo Orofa, Hillo Walkite, Hillo Tanzania, Hillo Irress Abamartille, Hillo Gootu, Hillo Tessum Qalicha, Hillo Karray, Hillo Hudda, Hillo Qoranjido, Hillo Irress Shindia, Hillo Rabaalee iyo Hillo Godde Haroressa. Amarka ayaa dhaqan galay 23-kii bishan 6:30 Maqribnimo, muddo 30 maalmood ah, iyadoo la sheegay in la kordhin karo ama la joojin karo hadba xaaladda amniga.
Isla wargeyskaas, Taliyaha Guud ee Booliiska Douglas Kanja ayaa mamnuucay haysashada hubka aagaggaas, isagoo amray in dadka deegaanka ay si degdeg ah hubkooda ugu wareejiyaan saldhigyada booliiska ama xafiisyada maamulka dowladda si loo xafido. Waxaa kale oo uu sheegay in hubka la soo wareejiyo dib loo celin doono marka amarkan la laalo ama la joojiyo.




