Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa ka dhoofay magaalada Islamabad ka dib wadahadallo lala yeeshay Iiraan oo ku dhammaaday is afgarad la’aan. Waxaa uu sheegay inuu gudbiyay “soo jeedin kama dambeys ah oo ah tii ugu wanaagsanayd” oo uu Maraykanka soo bandhigay, balse aan lagu heshiin.
Ilo u dhow wafdiga Iiraan ayaa warbaahinta u sheegay in Maraykanka uu raadinayay marmarsiiyo uu uga baxo wadahadallada, iyagoo xusay in hadda go’aanka uu gacanta ugu jiro Xukuumadda Washington. Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisa uu ku guuleystay dagaalka ka dhanka ah Iiraan, iyadoon loo eegin natiijada wadahadallada.
Iiraan ayaa beenisay warar sheegaya in laba markab oo uu Mareykanka leeyahay ay mareen marin biyoodka Hormuz, iyadoo ka digtay in isku day kasta oo maraakiib militari ay ku maraan halkaas lagu wajihi doono jawaab adag. Hadalkan ayaa imanaya iyadoo xiisadda gobolka ay sii kordheyso.
Isla waqtigaas, Israa’iil ayaa sii wadday duqeymaha ay ka geysaneyso koonfurta Lubnaan, halkaas oo ugu yaraan 13 qof lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Tefahta.




