Afar qof oo lagu xiray Ukunda ka dib dilka muwaadin Ingiriis ah oo lagu magacaabo Campbelle Scott

0
103

Dambi baarayaal ka tirsan Waaxda Dambi baarista ee (DCI) ayaa gacanta ku dhigay afar qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin dilka muwaadin Ingiriis ah iyo dhacdooyin dhac hubeysan oo ka dhacay deegaanka Ukunda, dowlad deegaanka Kwale. Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Bernard Mbusu, Isaac Kinoti Kobia, Evans Muthengi Mutaki iyo Kelvin Mwangi Njoroge, waxaana lagu qabtay howlgal amni oo qorsheysan oo ka dhacay guri dabaq ah oo ku yaalla deegaanka Ukunda.
Howlgalkan oo ay hoggaaminayeen saraakiil ka socday qaybta Cilmi baarista iyo Sirdoonka Dambiyada, isla markaana ay ka qeyb qaateen laamaha kale ee amniga ee Nyali iyo Msambweni, ayaa lagu qabtay tuhunsanayaasha. Baaritaan lagu sameeyay goobta ayaa lagu helay agab loo maleynayo in la dhacay, oo ay ka mid yihiin kombiyuutar nooca HP ah, taleefanno gacanta, lacago qalaad, kaararka bangiyada, buugaag jeeg ah iyo qalab elektaroonik ah oo lagu sameeyo lacag bixinno.
Booliiska ayaa sheegay in goobta uu falka ka dhacay ay baaritaan ku sameeyeen khubaro farsamo, iyadoo eedeysanayaasha iyo agabkii la helay lagu hayo saldhigga booliiska ee Nyali, halkaas oo baaritaanno dheeraad ah ay ka socdaan. Tallaabadan ayaa daba socota baaritaanno la xiriira dhac hubeysan oo ka dhacay Nyali iyo sidoo kale afduub iyo dil loo geystay muwaadin Ingiriis ah bishii Febraayo ee 2025-kii.
Ninka la dilay, oo lagu magacaabi jiray Campbell Scott Allistair, ayaa la waayay 17-kii Febraayo ee sanadkii tagay ka dib markii uu ka soo bixi waayay ballan uu la lahaa saaxiibbadiis oo ka dhacaysay hoteel ku yaalla xaafadda Westlands ee magaalada Nairobi. Meydkiisa ayaa markii dambe laga helay gudaha keyn ku taalla ismaamulka Makueni. Caddeymo baaritaan oo farsamo ayaa sidoo kale muujinaya in tuhunsanayaashan ay ku lug leeyihiin dhac kale oo hubeysan oo ka dhacay Watamu ee magaalada Malindi, iyadoo weli la sugayo in maxkamadda la soo taago.