IPOA oo baaritaan ku bilawday dilkii ka dhacay Garissa

0
68

Hay’adda Madaxa-bannaan ee Kormeerka ku samaysa hawlaha Booliska dalka ee (IPOA) ayaa bilowday baaritaanno ku saabsan toogasho dil ah oo lagu eedeeyay sarkaal booliis ah oo ka dhacay ismaamulka Gaarisa.
War-saxaafadeed ay soo saartay Khamiista maanta ah, Guddoomiye Ku-xigeenka IPOA Ann Wanjiku waxay xaqiijisay in saraakiisha Jawaab-celinta Degdegga ah ee hay’addu ay durba bilaabeen baaritaanno ku saabsan geerida Adan Mohamed Hassan, oo la toogtay 21-kii bishan Abriil isagoona lagu dilay meel u dhow Modika Barrier.
Sida laga soo xigtay natiijooyinka hordhaca ah, dhacdadu waxay dhacday abbaare 2:20 daqiiqo ee aroornimo markii Aden Mohamed Hassan la sheegay inuu ka jawaabay wicitaan walaac ah oo ka yimid saaxiibkiisa oo la xiray.
Baarayaasha IPOA waxay qaadeen dhowr tallaabo, oo ay ku jiraan warbixinta laga qoray markhaatiyaasha, helitaanka dukumentiyada booliiska eek u saabsan dilka dhacay, warbixinta laga diiwaangaliyay goobta uu dambiga ka dhacay, iyo cadeymaha ka muuqda baabuurka laga helay goobta lagu dilay Aden Mohamed.
IPOA waxay ku nuuxnuuxsatay in baaritaanka la bilaabay ka dib markii si rasmi ah loogu wargeliyay Adeegga Booliska Qaranka (NPS), sida sharcigu qabo.
Dhacdadu waxay kicisay rabshado ka dhacay magaalada Gaarisa iyadoo shacabka ismaamulkaas dalbanayaan in la xiro sarkaalka ku lugta lahaa.