DHAGEYSO:Taliyaha Booliiska dalka iyo madaxa DCI oo maanta la weydiyay su’aalo

0
51

Taliyaha Guud ee Booliska dalka Douglas Kanja iyo Agaasimaha Baarista Dambiyada (DCI) Mohamed Amin ayaa wajahay maanta waqti adag oo ay kaga jawaabayaan su’aalaha senatarrada guddiga amniga dalka u qaabilsan.
Saraakiisha sare ayaa laga codsaday inay bixiyaan macluumaad ku saabsan dadkii ka dambeeyay weeraradii lagu qaaday Senator Godfrey Osotsi ee Vihiga iyo toogashadii ka dhacday Isiolo intii lagu jiray ololahii doorashadii ku-meel-gaarka ahayd.
Senatarrada ayaa doonaya in wasiirka amniga Kipchumba Murkomen iyo xoghayihiisa Raymond Omollo ay hor yimaadaan guddiga si ay u bixiyaan macluumaad dheeraad ah.
Doodii maanta ka dhacday aqalka senetka ee qeybtooda guddiga Amniga sidatan ayay ahayd.