Karua oo su’aal gelisay safarrada Ruto ee Talyaaniga iyo Faransiiska, kana digtay casuumaadda ciidamo shisheeye

0
46

Hoggaamiyaha Xisbiga People’s Liberation Party (PLP), Martha Karua, ayaa si adag u dhaliishay Madaxweyne William Ruto, iyadoo ku eedeysay inuu waqtigiisa badankiisa ku bixiyo safarro dibadeed halkii uu diiradda saari lahaa adeegyada gudaha iyo culayska dhaqaale ee saaran shacabka.
Karua oo ka hadleysay wareysi ay siisay raadiyaha Inooro FM ayaa su’aal gelisay faa’iidada safarradii uu Ruto ku tegay Talyaaniga iyo Faransiiska, iyadoo sheegtay in aan si cad loo garan karin ujeeddada safarradaas, isla markaana loo baahan yahay in madaxweynaha uu xoogga saaro arrimaha gudaha.
Waxaa ay sidoo kale ka digtay qorshe kasta oo lagu oggolaanayo ciidamo shisheeye inay dalka soo galaan, gaar ahaan Faransiiska, iyadoo sheegtay in arrimaha noocaas ah ay u baahan yihiin wadatashi dadweyne ka hor inta aan go’aan laga gaarin.
Dhanka kale, Karua ayaa dhaliishay Hay’adda Caafimaadka Bulshada (SHA), iyadoo sheegtay inay jiraan cabashooyin joogto ah oo ka imanaya shacabka, isla markaana aysan adeegyada bixinayn sidii la filayay. Waxaa ay ku adkaysatay in la dhegeysto aragtida muwaadiniinta halkii lagu qanci lahaa sheegashooyin rasmi ah.
Sidoo kale, waxaa ay cambaareysay siyaasadda canshuuraha iyo lacagta guryaha, iyadoo sheegtay in culays dheeraad ah lagu saarayo ganacsiyada yaryar iyo shacabka caadiga ah, kuwaas oo durba wajahaya xaalad dhaqaale oo adag. Waxaa ay intaas ku dartay in xitaa kordhinta canshuuraha aysan xal noqon doonin haddii aan si hufan loo maareyn dakhliga dowladda.