Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa u sheegay dhigiisa Jarmalka Frank-Walter Steinmeier in saameynta dagaalka Iiraan ay durba gaartay Yurub, isla markaana ay sii xumaan karto haddii aan si degdeg ah loo qaadan xal nabadeed.
Erdogan ayaa sheegay in dagaalka ka socda gobolka uu bilaabay inuu wiiqo xasilloonida Yurub, isagoo ka digay in haddii aan si nabadeed loo wajahin xaaladda, khasaaraha ka dhasha muddada colaadda uu noqon doono mid aad u weyn.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la raadiyo xal diblomaasiyadeed oo degdeg ah, si looga hortago fiditaanka saameynta colaadaha Bariga Dhexe ee ku fida qaaradaha kale.
Hadalladan ayaa yimid ka dib wadahadal taleefan oo ay yeesheen labada hoggaamiye, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.




