Xisbullah oo laga yaabo inay aqbasho dhexdhexaadinta Mareykanka ee wadahallada Lubnaan iyo Israa’iil

0
39

Israa’iil iyo Lubnaan ayaa lagu wadaa inay magaalada Washington, DC ku yeeshaan wareeg kale oo wada hadallo ah, iyadoo Xukuumadda Beirut ay qorsheynayso inay codsato kordhin hal bil ah oo lagu sameeyo xabbad joojinta.
Wararka ayaa sheegaya in sarkaal aan magaciisa la shaacin oo ka tirsan kooxda Xisbullah uu sheegay in kooxda ay suuragal tahay inay aqbasho wadahadallo aan toos ahayn oo uu Mareykanka dhexdhexaadinayo, taasoo qayb ka ah geeddi socodka socda ee wada xaajoodka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, ayaa sheegay in aysan jirin khilaaf weyn oo u dhexeeya Israa’iil iyo Lebanon, balse uu Xisbullah ku tilmaamay caqabadda ugu weyn ee hortaagan nabadda iyo isfahamka labada dhinac.
Inkasta oo xabbad joojin 10 maalmood ah la sheegay, ciidamada Israa’iil ayaa weli sii wada weerarro ka dhan ah Lubnaan, kuwaas oo sababay dhimasho dad rayid ah, burbur guryo, iyo khasaare ballaaran, iyadoo tirada dadka ku dhintay dagaalka ay gaartay in ka badan 2,400 sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Lubnaan.