Shirka Nairobi oo lagu beegsanayo la dagaallanka musuqmaasuqa xuduudaha ka gudba iyo dhaqaalaha sharci darrada ah

0
44

Kenya ayaa martigelinaysa shirkii 16-aad ee Ururka Hay’adaha La dagaallanka Musuqmaasuqa Bariga Afrika, kaas oo isu keenay daneeyayaal heer gobol iyo caalami ah si loo xoojiyo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo iskaashiga ka gudba xuduudaha.
Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa ee (EACC), isagoo kaashanaya ururka EAAACA iyo Shabakadda Wakaaladaha Soo celinta Hantida ee Bariga Afrika, ayaa waxaa ka qeyb galaya dambi baarayaal, dejiyeyaasha siyaasadaha iyo hay’ado kala duwan oo ka shaqeeya isla xisaabtanka.
Ujeeddada shirka ayaa ah in la xoojiyo iskaashiga soo celinta hantida la dhacay, kor loo qaado awoodda baarista, isla markaana wax laga qabto khataraha cusub ee musuqmaasuqa ee ka dhasha isku xirnaanta sii kordheysa ee caalamka.
Shirkan ayaa waxaa marti sharaf ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, Musalia Mudavadi, iyadoo ay sidoo kale ka qeyb galayaan wakiillo ka socda hay’ado caalami ah sida Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada, Midowga Yurub, Bangiga Adduunka iyo Dowladda Mareykanka, kuwaas oo muujinaya muhiimadda iskaashi caalami ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa.