Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xalay afur wadareed usameeyay muslimiinta ku nool magaalada Mombasa.

0
452

Madaxweyne Ruto ayaa kulankan ku tilmaamay mid lagu xoojinayo midnimada dalka.
Waxaa uuna ku ammaaney Muslimiinta sida ay uga qeyb qaataan hormarka iyo kobcinta dhaqaalaha Kenya.
Qarankeennu wuxuu xoog weyn ka helaa kala duwanaanshaha diimaha iyo dhaqamada.
Waa waqtiyada aan ku xaqiijineyno ballanqaadkeenna ah ixtiraamka labada dhinac, wada noolaanshaha nabadda, iyo wanaagga guud ayuu yiri madaxweyne Ruto.
Afur wadareedka ka dhacay Mombasa waxaa hoggaamiyaha qaranka ku wahelinayay mas’uuliyiin kala duwan oo ay wasiiro ku jireen.