Taliyaha Guud ee Adeegga Booliska Qaranka NPS), Mr. Douglas Kanja, ayaa ka qayb galay kulan istiraatiiji ah oo si heer sare ah loogu talagalay saraakiisha sare ee Agaasinka Baarista Dambiyada (DCI).
Kulanka waxaa soo qabanqaabiyay Agaasimaha Baarista Dambiyada (DCI), Mr. Mohamed Amin, kaasi oo ka dhacay Dugsiga (KSG) ee Matuga, ismaamulka Kwale.
Kulankan ayaa maanta oo sabti ah la soo gabagabeyn doona.
Taliye Kanja wuxuu xasuusiyay saraakiisha sare ee goobta joogay inay hayaan mowqif istiraatiiji ah, ma aha oo kaliya hubinta in falalka dambiyada si adag loola dhaqmo, laakiin sidoo kale inay gutaan doorkooda taliska iyo xakamaynta ee gudaha maamulladooda.
Tani waxaa ka mid ah hagitaanka iyo hoggaaminta saraakiisha hoos yimaada arrimaha baaritaanka iyo bixinta adeegga dadweynaha.
Isagoo u mahadcelinaya Mr. Amin hoggaankiisa istaraatiijiga ah ee DCI, taliyaha Booliiska wuxuu ku ammaanay qabanqaabinta shirkaas oo loogu talagalay dib-u-eegista caqabadaha amniga ee soo ifbaxaya, xoojinta istaraatiijiyadaha baaritaanka, iyo xoojinta iskaashiga dhammaan hay’adaha baaritaanka ee arrimaha amniga.
Arimaha ku saabsan khamriga sharci darrada ah iyo daroogada, dambiyada internetka, lacagaha la dhaqo, argagixisada, dilalka, iyo dhaca, ayaa sido kale kulanka diiradda lagu saarey.
Taliyaha guud ee Booliiska qaranka Kanja wuxuu ugu baaqay saraakiisha inay si joogto ah u xoojiyaan xirfadahooda baaritaanka si ay u dhisaan caddeymo aan la dafiri karin.
Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dacwad kasta oo guuleysata aysan kaliya xaqiijin ballanqaadka Adeegga Booliska Qaranka laakiin sidoo kale ay si isku mid ah u xoojiso isku-xirka kalsoonida iyo iskaashiga ka dhexeeya booliiska iyo dadweynaha.




