Wasiirka Caafimaadka Aadan Barre Ducaale ayaa uga digay isbitaallada in aysan bukaanada ka celin adeeg caafimaad sababo la xiriira cilad ku timid nidaamka Maamulka Caymiska Caafimaadka Bulshada ee SHA. Waxaa uu sheegay in tallaabadaas ay jebinayso xaqa dastuuriga ah ee muwaadiniinta u leeyihiin helitaanka daryeel caafimaad.
Ducaale ayaa arrintan ka sheegay kulan ka dhacay xaruunta Afya House ee magaalada Nairobi, oo uu la yeeshay mas’uuliyiin ka socday Ururka Macallimiinta Waxbarashada Sare ee KUPPET. Waxaa uu faray dhammaan xaruumaha caafimaadka ee la shaqeeya hay’adda caymiska in ay sii wadaan bixinta adeegyada xitaa marka nidaamka uu la kulmo cilad farsamo.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xaruun kasta oo bukaanada ka celisa adeeg caafimaad sababo la xiriira ciladaha nidaamka ay wajihi doonto ganaax, oo ay ku jiri karto hakinta ama joojinta heshiiska ay la leedahay hay’adda.
Dhanka kale, ururka macallimiinta ayaa cabasho ka muujiyay hirgelinta caymiska caafimaadka macallimiinta, iyagoo sheegay in qaar ka mid ah macallimiinta loo diiday daaweyn halka qaar kalena lagu hayay isbitaallo sababo la xiriira biilal aan la bixin. Arrintan ayaa timid ka dib markii ururka uu ku dhawaaqay digniin shaqo joojin ah oo toddoba maalmood ah.




