Hanti dhowraha Guud oo dowladda ku boorisay in ay si buuxda u maamusho madalaha eCitizen

0
408

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nancy Gathungu ayaa dowladda ku boorisay in ay si buuxda u maamusho madalaha eCitizen, iyadoo sheegtay in maamulka hadda jira uu nidaamka u nugul yahay khataro howleed isla markaana uu aad ugu tiirsan yahay shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Warbixin gaar ah oo ay soo saartay bishii Maarso 2025, Gathungu ayaa tilmaantay in wareejinta degdegga ah ee shirkadda Webmasters Kenya Ltd, iyo kormeer gudaha oo xooggan, ay muhiim u tahay ilaalinta uruurinta dakhliga iyo bixinta adeeg hufan. Waxaa ay ku talisay in shirkadda ay si shuruud la’aan ah ugu wareejiso dowladda madasha eCitizen iyo in la hirgeliyo nidaam adag oo dhammaan isbeddelada nidaamka si rasmi ah loo diiwaangeliyo, loo baaro, loona ansixiyo.
Warbixinta ayaa tilmaamtay in madasha eCitizen, oo loogu talagalay in lagu digital gareeyo uruurinta dakhliga dalka, ay weli qayb ahaan ka baxsan tahay maamulka buuxa ee dowladda, inkastoo ay leedahay dowladda. Waxaa la ogaaday daciifnimo dhinaca ammaanka iyo ilaalinta xogta, iyadoo Wasaaradda Maaliyadda aysan si buuxda u siin hanti dhowrayaasha marin lagu hubiyo ilaalinta xogta, halka dib u eegis lagu sameeyay nidaamyada tiknoolajiyada iyo diiwaannada madasha ay muujinayaan nuglaansho khatar gelin karta sirta, helitaanka iyo saxnaanta xogta.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in nidaamka Madalka Lacag bixinta Dijitalka ee Dowladda, oo loogu talagalay in si buuxda uu u maamulo uruurinta dakhliga waqtiga dhabta ah oo meesha ka saara faragelinta bini’aadamka, uusan weli si buuxda u shaqeyn. Habka hadda jira ayaa lacagaha marka hore u diraa akoonno kala duwan ka hor inta aan loo wareejin akoon dhexe oo ay maamusho Wasaaradda Maaliyadda, taasoo keenta dib u dhac iyo waxtar darro. Hanti dhowraha ayaa tilmaamtay in madasha ay tahay mashruuc khatar sare leh maadaama ay door muhiim ah ka ciyaarto bixinta adeegyada dowladda.