Mareegaha internetka ee wasaaradaha muhiimka ah ee dowladda Kenya ayaa la kulmay weerar dhanka internetka ah subaxnimadii Isniinta.
Waxaa ay arrintan saamaysay wasaaradaha kala ah Caafimaadka,Waxbarashada,Wasaarada Shaqada,deegaanka,mida Dhijitaalka,Dalxiiska,wasaaradda arrimaha gudaha iyo aqalka madaxtooyada.
Weerarka internetka ee maanta lagu qaaday waaxyaha kala duwan ee Dowlada ayaa ka dhigay mareegaha loogu adeego kenyaanka kuwo aan la geli karin, iyadoo loo Baddeley waxyaabo kale.
Marka ay dadka isku dayaan inay isticmaalaan bartaaa dowlada waxaa ka hor imaanaya farriimo ah awoodda cad ee adduunka oo dhan, iyo Heil Hitler.
Waxaa ay sido kale dhacdadan saamaysay waaxyaha kale ee xukumada sida Socdaalka iyo Agaasinka Baarista Dambiyada (DCI) .
Dhanka kale, Dowladda iyo Wasaaradaha ay khuseyso weli ma aysan shaacin war rasmi ah oo ku saabsan weerarrada internetka.
Dhanka kale, ma jiro qof ama shirkad sheegatay mas’uuliyadda jabsiga bogagga internetka ee dowladda.




