Dowladda ayaa soo bandhigtay hindisayaal loogu talagalay in lagu soo afjaro khilaafaadka ka dhasha kheyraadka dabiiciga ah ee la wadaago, oo ay ku jiraan biyaha.
Isagoo ka hadlayay shirka caalamiga ah ee Biyaha, Nabadda iyo Amniga 2025, ee ka dhacay Nairobi, Xoghayaha Guud ee Arrimaha Gudaha Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne William Ruto uu si firfircoon uga shaqeeyay sidii siyaasadda loogu rogi lahaa mid dhaqan ah, isagoo si gaar ah u adeegsanaya wasaaradda arrimaha gudaha oo mas’uul ka ah arrimaha amniga gudaha iyo horumarinta.
Omollo ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan shan hindisood oo muhiim ah oo arrintan lagu hirgelinayo, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in si habboon loo maareeyo biyaha iyo si caddaalad ah loogu qaybiyo kheyraadka la wadaago ee la heli karo.
Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay isku darayso hababka xasaasiga ah ee khilaafaadka ee maaraynta kheyraadka dabiiciga ah, isagoo ku tilmaamay qaab dhismeedka dhismaha nabadda cusub ee dalka kaas oo hagaya siyaasadda qaranka ee ku saabsan dhismaha nabadda iyo maaraynta khilaafaadka.
Omollo ayaa intaa ku daray in dowladda ay horumarinayso is dhexgalka xogta ku saabsan helitaanka biyaha, saadaasha cimilada iyo khariidaynta isticmaalka kheyraadka qaababka digniinta hore ee khilaafaadka. Tani ayaa waxaa ay u ogolaaneysaa mas’uuliyiinta iyo guddiyada nabadda ee maxalliga ah inay saadaaliyaan oo ay yareeyaan iskahorimaadka la xiriira biyaha ka hor inta aysan xiisadaha isu beddelin kuwo rabshado wata.
Intaa waxaa dheer, dowladda ayaa waxaa ay xoojineysaa iskaashiga qaybaha kala duwan ee heer qaran halkaas oo wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee mas’uulka ka ah biyaha, deegaanka, beeraha iyo amniga ay si dhow uga shaqeynayaan iyada oo loo marayo ciidamada wadajirka ah iyo barnaamijyada la wadaago.
Home Wararka Kenya Dowladda oo dhiirrigelinaysaa nabadda iyada oo loo marayo maaraynta biyaha ee habboon




