5 qof oo ku dhimatay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen shil ka dhacay Kisii

0
374

Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay halka dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib shil ka dhacay magaalada Keroka oo ku teedsan waddada is ku xirta Keroka iyo Masimba ee dowlad deegaanka Kisii.
Shilka ayaa dhacay fiidnimadii Isniinta abbaare 7-dii fiidnimo ka dib markii gaari nooca xamuulka qaado uu ka baxay waddada ka hor inta uusan ku dhicin qaar ka mid ah howlwadeenada mootooleyda.
Daqiiqado ka dib shilka, koox ka kooban hay’ado badan ayaa isla markiiba loo diray goobta si ay u fuliyaan gargaarka degdega ah.
Sida laga soo xigtay sarkaalka ismaamulka Kisii ee mas’uulka ka ah taraafikada, Richard Kipkemoi, dhowr qof ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo iyagoo haatan lagu daaweynaayo isbitaalka maamul hoosaadka Keroka.