Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa ku guulaystay dacwad maxkamadeed oo socotay muddo 12 sano ah.
Waxay maxkamaddu oggolaatay in guddiga uu dib ula wareego dhul ah 0.13 heektar oo qiimihiisu yahay 30 milyan oo shilin kaasoo ku yaalla deegaanka Nyali ee ismaamulka Mombasa.
Garsooraha maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee Mombasa ayaa sheegay in sabarloogada horay loo siiyay Sheekh Cali Taib ay ahayd mid sharci darro oo waxba kama jiraan ah.
Xafiiska diiwaangelinta dhulalka ee Mombasa ayaa la faray inuu waxba kama jiraan ka soo qaado sabarloogadaasi.
EACC ayaa sheegtay in baaritaanno la sameeyay lagu ogaaday in 19-kii bishii Koowaad ee sanadkii 1996, guddoomiyihii dhulalka ee xilligaasi uu dhulkan u bixiyay si sharci darro ah.




