8 Maxbuus oo ka baxsaday saldhigga booliiska Koru ee Kisumu oo la raadinaya

0
307

Laamaha ammaanka ayaa billaabay baadigoobka siddeed maxbuus oo ka baxsaday saldhigga booliiska ee Koru oo ku yaalla deegaan baarlamaaneedka Muhoroni ee ismaamulka Kisumu.
Eedeysanayaasha ayaa saldhiggaasi ka baxsaday xalay fiidkii.
Waxaa lagu waday in maanta maxkamadda ay ka soo hormuuqdaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labo ka mid ah maxaabiista baxsatay oo gacmaha katiinad uga xirneed dib loo xiray.
Mid ka mid ah saraakiisha ka howlgala saldhigga booliiska Koru ayaa warbaahinta u sheegay in eedeysanayaasha ay dhibaateeyeen sarkaal booliis ah ka hor inta aysan baxsan.