5 qof oo ku dhaawacmay Daanta Galbeed

0
520

Warbaahinta maxalliga ee Israa’iil ayaa tabinaysa in 5 ruux ay dhaawacmeen ka dib toogasho laga gaystay meel u dhow deegaamayn sharci darro ah.
Toogashada ayaa lala eegtay bas.
Arrintan ayaa ka dhacday deegaamaynta loo yaqaano Ariel ee Daanta Galbeed.
Waxaa uu xilligaasi baska marayay isgoyska Giti Avisar.
Militariga Israa’iil ayaa bayaan ku sheegay in laga takhalusay qofkii looga shakiyay inuu weerarkaasi fuliyay.