Mudanayaasha golaha qaran ee xeer dejinta ayaa dalbanaya in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo hannaanka lagu bixiyo mushaaraadka ee guddiga adeegga macallimiinta ee (TSC).
Tani ayaa timid ka dib markii walaac laga muujiyay inuu kordhay qarashaadka ay adeegsato TSC.
Waxaa arrinkan loo aaneeyay bixinta mushaaraad badan.
Shalay ayay ahayd markii guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka ee (PAC) uu madaxa fulinta ee TSC ,Nancy Macharia ka wareystay maareynta in ka badan 466 milyan oo shilin oo uu xilligii sanad maaliyadeedkii 2021/2022-kii su’aal geliyay hanti dhowraha qaranka.
Nancy Macharia ayaa xubnaha guddiga PAC u sheegtay in lacagahan ay yihiin kuwo la isticmaalayay sanado dhowr ah balse ay jirtay caqabad dhanka gudbinta warbixinnada ah.
Waxay carrabka ku adkeysay in marar badan uu dib u dhac ku imaanaya in qofka shaqaalaha ah isla markiiba mushaarka laga joojiyo marka uu geeriyoodo , uu shaqada ka tago, is casilo ama shaqada laga istaajiyo.
Guddiga TSC ayaa sheegay in sanad maaliyadeedkii 2020/2021-kii uu mushaar ku bixiyay 352 milyan oo shilin.




