27 askari oo Kenyaan ah oo Juba lagu guddoonsiiyay billadaha adeegga Qaramada Midoobay

0
395

27 sarkaal oo ka tirsan Adeega Qaran ee Booliiska NPS oo ka howlgalaya howlgalka Qaramada Midoobay ee Suudaanta Koonfureed UNMISS ayaa la guddoonsiiyay billadaha adeegga Qaramada Midoobay, ka dib adeeg muuqda oo ay ka qabteen dalkaas oo ah dalka ugu da’da yar dunida.
Adeegga Qaran ee Booliiska ayaa sheegay in munaasabadda lagu guddoonsiiyay billadaha la qabtay Sabtidii taasoo ka dhacday gudaha xaruunta Qaramada Midoobay ee magaalada Juba. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil sare oo ka socday Qaramada Midoobay, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo heer sare ah.
Taliyaha Guud ee Booliiska Douglas Kanja, ayaa ku ammaanay askarta howlgalka, isagoo bogaadiyay xirfaddooda, anshaxooda iyo sida ay uga go’an tahay shaqada ay hayaan, inkastoo ay ku sugan yihiin deegaan shaqo oo adag.
Waxaa uu sheegay in askarta ay gacan ka geysteen gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo, ilaalinta goobaha muhiimka ah, iyo xoojinta wada hadallada bulshada dhexdeeda, taas oo ka qayb qaadatay ilaalinta shacabka iyo dhismaha nabad waarta.
Waxaa uu sidoo kale xusay in ciidanka Kenya ay door muhiim ah ku leeyihiin fulinta waajibaadka UNMISS, oo ay ka mid yihiin ilaalinta rayidka, sugidda goobaha muhiimka ah, fududeynta howlaha gargaarka, iyo taageeridda dadaallada nabadda ee heer bulsho.