Ugu yaraan 17 qof ayaa dhaawacyo culus soo gaaray kaddib markii bas ay saarnaayeen dad ka qeyb galay aas uu shil ku galay deegaanka Migaa, ee waddada isku xirta Nakuru iyo Eldoret, saqdii dhexe ee xalay.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in shilku dhacay abaare 12:30 habeenimo ee xalay, iyadoo basku uu dad baroordiiq ah ka soo qaaday magaalada Kisumu.
Hawlgallo gurmad ah oo ay iska kaashadeen hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya, booliska, kooxaha ambalaasta ee Molo iyo dadka deegaanka ayaa la sameeyay si loo badbaadiyo dadkii ku dhaawacmay shilka.
Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa sheegtay in kooxaha gurmadku ay soo saareen mid ka mid ah dadkii shilka galay oo in ka badan saacad ku xannibnaa burburka baska.
Hay’addu waxay markii dambe xaqiijisay in isu socodka gaadiidka ee waddadaasi uu caadi ku soo noqday kaddib markii hawlgallada gurmadka la soo gabagabeeyay.
Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa darawallada ugu baaqday inay taxaddar muujiyaan, isla markaana ay u hoggaansamaan xeerarka badbaadada waddooyinka.




