11 qof oo dhaawacmay ka dib markii god macdan laga qodaayay uu ku duntay ismaamulka West Pokot

0
146

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii dhagax weyn uu ku soo dumay goob laga qodayay macdan oo ku taalla buuraha Rumos ee dowlad deegaanka West Pokot. Dhacdadan ayaa dhacday xilli dad deegaanka ay ka shaqeynayeen macdan qodis aan rasmi ahayn.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in weli laga maqlayo codad hoosta goobta duntay, taasoo sare u qaaday cabsi laga qabo in dad kale ay ku xayiran yihiin gudaha macdanta. Howlgallada gurmadka iyo badbaadinta ayaa weli socda iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan hay’adaha gurmadka, maamulka deegaanka iyo shacabka.
Saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay xaaladdoodu aad u liidato, waxaana loo qaaday Isbitaalka Guud ee Kapenguria si ay u helaan daryeel caafimaad. Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa ku sugan goobta si ay u taageeraan dadaallada badbaadinta.
Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa iyadoo horey ay uga dhaceen shilal la mid ah goobaha macdan qodista ee dalka. Bishii February 2025, ugu yaraan 20 macdan qode ayaa ku xayirmay ka dib markii macdan ku duntay deegaanka Museno ee ismaamulka Kakamega, halka sanadkan gudihiisa shan haween ah ay ku dhinteen goob macdan qodis ah oo ku duntay deegaanka Rarieda ee dowlad deegaanka Siaya.