Okiya Omtatah oo ka digay musuqmaasuq burburinaya dalka

0
150

Senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah ayaa dowladda ku eedeeyay musuqmaasuq, dayn sharci darro ah iyo ku tumasho dastuurka, isagoo sheegay in shacabka ay weli la ildaran yihiin canshuuro badan iyo xaalad dhaqaale oo adag. Waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka hadda jira ay soo jireen sanado badan, islamarkaana ay sabab u yihiin hoggaan fashilmay iyo lunsiga hantida dadweynaha.
Omtatah ayaa sheegay in siyaasiyiinta qaarkood ay shacabka ka mashquuliyaan arrimaha muhiimka ah iyagoo adeegsanaya isbahaysiyo siyaasadeed, heshiisyo iyo muranno si loo qariyo fashilka maamulka iyo isla xisaabtan la’aanta. Waxaa uu xusay in shacabka lagu khasbayo bixinta canshuuro dheeraad ah iyadoo aan wax horumar ah laga dareemin adeegyada bulshada.
Senatarka ayaa sidoo kale ku dooday in Kenya ay intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2024 amaahatay lacag dhan 9.11 tirilyan, balse 2.57 tirilyan oo keliya ay heleen ansixinta baarlamaanka. Sida uu sheegay, lacagta harsan oo dhan 6.54 tirilyan oo shillinka dalka ah ayaa ah dayn sharci darro ah oo culays lagu saaray canshuur bixiyeyaasha.
Omtatah ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay mudnaanta siinayaan loollanka awoodda halkii ay wax ka qaban lahaayeen dhibaatooyinka dalka. Waxaa uu sheegay in dibadbaxayaasha la caburiyo, booliiskana loo adeegsado dano siyaasadeed, halka shabakadaha musuqmaasuqa la ilaaliyo. Waxaa uu intaa ku daray in maxkamadaha ay yihiin difaaca ugu dambeeya ee lagu ilaalin karo dastuurka iyo xuquuqda shacabka.