Ciidamada Israa’iil ayaa mar kale amarro cusub oo barakicin ah kusoo rogay shacabka ku nool koonfurta Lubnaan, iyagoo dadka deegaanka ugu baaqay inay ka baxaan saddex magaalo oo kala ah Deir al-Zahrani, Bafroa iyo Habush.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in tallaabadan ay la xiriirto waxa ay ku tilmaameen jebinta heshiiska xabbad joojinta ee dhinaca Xsibullah. Ciidamada ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin militari oo adag oo ka dhan ah kooxdaas.
Israa’iil ayaa sidoo kale ka digtay in dadka ku sugan meelaha u dhow xaruumaha, dagaalyahannada ama qalabka militari ee Xisbullah ay halis gelinayaan naftooda. Amaradan cusub ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda koonfurta Lubnaan ay sii kordhayso inkastoo uu jiro heshiis xabbad joojin ah.




