Xoghayaha Ciidanka Dhulka ee Maraykanka, Daniel Driscoll, ayaa gudbiyay iscasilaaddiisa, kaddib bilo ay xiisad u dhexaysay isaga iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, sida ay sheegayaan wararka warbaahinta.
Markii Aqalka Cad wax laga weydiiyay warbixin uu Isniintii qoray wargeyska Wall Street Journal oo ku saabsan iscasilaadda Driscoll, ma uusan beenin warka.
“Ciidanka Dhulka ee Maraykanku maanta waa ka awood badan yahay sidii hore, taasna waxaa qayb weyn ka qaatay shaqadiisa uu si dhow ula qabtay Taliyaha Guud iyo Xoghayaha Dagaalka,” ayay tiri.
Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal u ah arrintan, ayaa sheegtay in aanay caddayn in Aqalka Cad uu aqbalay iscasilaadda Driscoll iyo in kale.
Ciidanka Dhulka ee Maraykanka ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo arrinta.
Driscoll, oo hore ay isku fasal ahaayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka JD Vance, ayaa noqday mas’uulkii ugu dambeeyay ee sarreeya ee ka taga Pentagon-ka tan iyo markii Hegseth uu noqday xoghayaha difaaca.
Xoghayaha Difaaca ayaa bishii Abriil xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Dhulka, General Randy George, halka taliyihii ciidamada Maraykanka ee Yurub iyo Afrika, General Christopher Donahue, uu si lama filaan ah xilka uga degay bishii June.
Hegseth ayaa sidoo kale xilka ka qaaday saraakiil kale oo dhowr ah oo darajooyin sare leh, kuwaas oo ay ku jiraan jeneraallo iyo saraakiil sar sare, waxaana ka mid ahaa madaxa Ciidanka Badda.
Pentagon-ka ayaa bishii Abriil si lama filaan ah u shaaciyay in Xoghayihii Ciidanka Badda, John Phelan, uu xilka ka degayo. Waxa uu noqday madaxii ugu horreeyay ee laan ka mid ah ciidamada qalabka sida ee Maraykanka ee xilka ka taga muddada labaad ee Madaxweyne Donald Trump.




