Iran ayaa u sheegtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in weerarka Mareykanka uu ku qaaday Jasiiradda Larak uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo rayid, isla markaana duqeymaha ay Teheran la eegatay saldhigyada Mareykanka ee Urdun ay ahaayeen tallaabo ay kaga jawaabayeen is-difaacid, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dalkaasi ee IRNA.
Warqaddan ayaa waxaa loo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, waxaana soo qoray Gholamhossein Darzi, oo ah ku-xigeenka ergeyga joogtada ah ee Iran iyo safiirka u fadhiya Qaramada Midoobay, maalintii Isniinta.
Warqaddaas ayuu Darzi ku sheegay in ciidamada Mareykanka ay Axaddii fiidkii weerareen jasiiradda ku taalla Gacanka, iyagoo burburiyey hanti dadweyne iyo mid gaar loo leeyahay, taas oo ay IRNA ku tilmaamtay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo dhulka ay Iran leedahay.
Darzi ayaa ku adkaystay in dagaalka ka dhanka ah Iran uu la mid yahay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, kuwaas oo uu Mareykanka masuul ka yahay, islamarkaana ay masuuliyad ka saaran tahay kuwa amray ama fuliyey weerarrada, sida ay baahisay IRNA.
Iran ayaa muujisay samir intii ay xaaladdu socotay, sida uu Darzi ku qoray warqadda, hase yeeshee ciidamadeedu “ma labalabeysan doonaan” in ay ka jawaabaan weerar kasta oo dambe, maadaama ay horey u garaaceen saldhigyada Mareykanka ee Urdun.
Wuxuu golaha ka codsaday inay dalbadaan in Mareykanka uu soo afjaro weerarradiisa, wuxuuna ka codsaday in warqadda loo qaybiyo dukumiinti rasmi ah, ayay tiri IRNA.




