Xisbullah oo sheegtay inay weerartay saldhig ku yaalo Waqooyiga Israa’iil

0
407

Kooxda Xisbullah ayaa qaaday weeraro lagu bartilmaameedsaday saldhigyo milateri oo ku yaalla Waqooyiga Israa’iil.
Waxaa ay sheegtay in ay weerar ku qaadeen Saldhigga Diyaaradaha ee Ramat David ee waqooyiga Israa’iil, iyagoo bartilmaameedsaday goobaha radar-ka iyo qolalka xakamaynta, islamarkaana adeegsatay tiro badan oo diyaarado aan duuliye lahayn subaxnimadii hore ee saaka. Weerarkan ayaa lagu sheegay in uu ka dhashay weerarkii ay Israa’iil ka geysatay meelo ka tirsan Lubnaan saacadihii la soo dhaafay.
Sidoo kale, Ciidanka Kacaanka ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegtay in ay weerar weyn ku qaadeen saldhig diyaaradeed oo uu Maraykanka leeyahay oo ku yaalla aagga Sheikh Ciisa ee Bahrain, iyagoo adeegsaday 20 diyaarado oo aan duuliye la hayn iyo saddex gantaal, kuwaas oo burburiyay dhismooyinka amniga iyo xaruunta maamulka saldhigga, sidoo kalena dab qabadsiiyay taangiyada shidaalka.
Weerarradan ayaa muujinaya kororka xiisadda gobolka, iyadoo saldhigyo militari oo muhiim ah loo bartilmaameedsaday falal diyaaradeed oo isku xiga, kuwaas oo ka dhalan kara kacsanaan siyaasadeed iyo mid amni oo sii kordhaysa.