Xisbiga LINDA oo caqabad cusub ku noqday qorshaha Sifuna ee beddelka magaca xisbigiisa

0
40

Dhaqdhaqaaqa Linda Mwananchi , oo uu hoggaamiyo Senatorka Nairobi Edwin Sifuna, ayaa wajahaya caqabad cusub oo la xiriirta isku daygiisa aha inuu magacaas ka diiwaangeliyo Xafiiska Diiwaangeliyaha Xisbiyada Siyaasadeed ORPP.
Caqabaddan ayaa timid kaddib markii xisbiga Liberty National Democratic Alliance (LINDA) uu diidmo rasmi ah u gudbiyey Diiwaangeliyaha Xisbiyada Siyaasadeed, isagoo ka horyimid qorshaha Xisbiga The Equitable Party — TEP uu magaciisa ugu beddelayo “Linda Mwananchi Movement (LMM)”.
Xisbiga TEP ayaa la aasaasay 4-tii Oktoobar 2026, xilligaas oo Sifuna loo magacaabay hoggaamiyaha xisbiga iyo murashaxiisa madaxweyne ee doorashada guud ee 2027.
Warqad ku taariikhaysan 13-kii Oktoobar 2026, Diiwaangeliyaha Xisbiyada Siyaasadeed, John Lorionokou, ayaa sheegay in xafiiskiisu dib u eegay dukumentiyada uu xisbigu soo gudbiyey si uu u taageero codsiga beddelka magaca, isla markaana uu bilaabay hannaanka ku dhawaaqista rasmiga ah ee magaca cusub, sida ku cad Qodobka 20(1)(d) ee Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed.
Hase yeeshee, 18-kii Oktoobar, aasaasaha ahna khasnajiga xisbiga LINDA, Purity Ndanu, ayaa si rasmi ah uga hortimid qorshaha TEP ee beddelka magaca.
Qoraal ay u gudbisay diiwaangeliyaha, LINDA waxay ku diidday in la qaato magaca “Linda Mwananchi Movement”, iyadoo sabab uga dhigtay laba dacwadood oo weli furan oo horyaalla Maxkamadda Dhexdhexaadinta Khilaafaadka Xisbiyada Siyaasadeed PPDT.
Xisbigu wuxuu tilmaamay in dacwadaha tirsigoodu yahay PPDTC/E020/2026 iyo PPDTA/E001/2026 aan weli la dhageysan, go’aanna aan laga gaarin.
LINDA ayaa ku doodaysa in wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo magaca ama aqoonsiga xisbiga inta ay dacwadahani socdaan uu yahay tallaabo degdeg ah oo sharci ahaan muran ka taagan yahay.
Diidmadan ayaa caqabad hor leh ku noqon karta qorshaha Sifuna ee ku aaddan diiwaangelinta magaca cusub, iyadoo go’aanka kama dambaysta ah uu ku xirnaan doono habraacyada sharciga iyo tallaabooyinka ay qaadaan hay’adaha ay khusayso.