Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, Korir Sing’Oei, ayaa sheegay in digniinta safarka ee Maraykanku ka soo saaray Kenya aysan ka dhignayn in muwaadiniinta Maraykanka laga mamnuucay inay booqdaan Kenya.
Sing’Oei ayaa sheegay in tallaabadaasi aysan ahayn mid dadka safarka lagu hor istaagayo, balse ay tahay digniin taxaddar ah oo dowladda Kenya ku dhiirrigelinaysa inay xoojiso tallaabooyinka lagula tacaalayo fayraska halista ah ee ilaa hadda sababay dhimashada hal qof.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa 19-kii Oktoobar kor u qaadday heerka digniinta safarka ee Kenya, iyadoo ka soo qaaday heerka labaad una dallacsiisay heerka saddexaad. Waxay muwaadiniinteeda kula talisay inay dib uga fiirsadaan safarka Kenya, sababo la xiriira kiisaska cudurka Ebola ee uu keeno fayraska Bundibugyo iyo walaacyo kale oo caafimaad.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Kenya ay xaqiijisay kiiskii sagaalaad ee cudurka Ebola ee uu keeno fayraska Bundibugyo. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in siddeedda bukaan ee kale ee weli nool ay si wanaagsan uga soo jawaabayaan daaweynta.
Sing’Oei ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka laba geesoodka ah ee Kenya iyo Maraykanku uu gacan ka geystay dedejinta dhismaha xarun karantiil oo loogu talagalay bukaannada Ebola ee Nanyuki, taas oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaadan doonto xakameynta cudurka.
Wuxuu aaminsan yahay in iskaashiga dalalku uu muhiim u yahay xakameynta faafitaanka fayraska Ebola.
Sida uu sheegay xoghayuhu, waxaa lagama maarmaan ah in la adkeeyo baaritaannada caafimaad ee laga sameeyo dhammaan goobaha laga soo galo dalka, si muwaadiniinta iyo dhaqaalaha looga ilaaliyo saameynta ka dhalan karta faafitaanka cudurka.
Maraykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu Kenya siinayo taageero toos ah oo cusub oo dhan 1.2 bilyan oo shilin Kenyan ah, taas oo lagu xoojinayo dadaallada lagu ogaanayo kiisaska Ebola laguna hortagayo faafitaankiisa.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa intaas ku dartay in tan iyo markii uu cudurku dillaacay, Maraykanku uu gobolka Bariga iyo Bartamaha Afrika ka bixiyey taageero caafimaad iyo mid bani’aadannimo oo toos ah oo gaareysa 115 bilyan oo shilin Kenyan ah, si loola dagaallamo faafitaanka Ebola.
Dhanka kale, dowladda Kenya ayaa diyaarinaysa qorshe dhaqaale oo dhan 70 bilyan oo shilin Kenyan ah, kaas oo loogu talagalay wax ka qabashada iyo yareynta saameynta cudurka Ebola, iyadoo loo marayo Wasaaradda Maaliyadda Qaranka.




