Xildhibaan Caleb Amisi oo dalbaday in la sii daayo Bob Njagi, kana digay dacwad khiyaano qaran oo lagu soo oogayo

0
140
Xildhibaan Caleb Amisi

Xildhibaanka deegaan doorashada Saboti, Caleb Amisi, ayaa ku baaqay in la sii daayo Bob Njagi oo ah qof u dhaqdhaqaaqo xuquuqda aadanaha, isagoo sheegay in si aan caddaalad ahayn loogu soo oogay dacwad la xiriirta khiyaano qaran. Ka dib booqasho uu ugu tagay saldhigga booliiska ee Isinya ee ismaamulka Kajiado, Amisi ayaa sheegay in Njagi uu nool yahay, waxaa uuna ugu baaqay garsoorka inuu si caddaalad ah u maareeyo dacwaddiisa isla markaana loo oggolaado inuu dib ugu laabto qoyskiisa.
Amisi ayaa ku dooday in Njagi la xiray isagoo shaah ku cabbaya magaalada Kitengela, isla markaana aan loo sheegin sababta loo xiray. Waxaa uu sheegay in Njagi uusan ka qaybgelin bannaanbaxyadii lagu xusayey sannad guurada mudaaharaadyadii dhallinyaradda Gen Z, balse uu ku guda jiray howlihiisa caadiga ah markii la qabtay. Sidoo kale, waxaa uu dhallinyarada ugu baaqay inay kasoo qaybgalaan dhageysiga dacwadda Njagi ee ka dhici doonta maxkamadda Kajiado.
Xildhibaanka ayaa sheegay in eedda khiyaano qaran ay ka mid tahay dambiyada ugu culus dalka, sidaas darteedna aan lagu soo oogi karin qof aan la hayn caddeymo buuxiya shuruudaha sharciga. Waxaa uu ka codsaday garsoorayaasha qaadi doona dacwadda inay si naxariis iyo caddaalad leh u eegaan kiiska, isagoo ku adkeystay in Njagi uusan gelin falal dambiyeed sida dil ama xatooyo.
Dhanka kale, Maxkamadda Kajiado ayaa oggolaatay codsi booliiska ay ku dalbadeen in Bob Njagi lagu sii hayo xabsiga muddo toddoba maalmood ah si loo dhammaystiro baaritaannada la xiriira eedeymo ku saabsan kicin la sheegay inay la xiriiraan bannaanbaxyadii xuska Gen Z. Garsooraha Sare ee Maxkamadda Kajiado Susan Mwangi, ayaa diiday codsi booliiska ay ku dalbanayeen 14 maalmood oo xarig ah, waxaa ayna amartay in Njagi lagu hayo saldhigga booliiska ee Isinya ilaa 2-da bisha July, markaas oo la filayo inuu maxkamadda dib uga soo muuqdo si loogu akhriyo eedeymaha loo haysto. Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in in ka badan 100 qof oo kale oo lagu qabtay howlgaladii la xiriiray bannaanbaxyada ay wajihi doonaan dacwado ay ka mid yihiin isugu imaatin sharci darro ah.