Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud oo tababar u qabtay shaqaalaha shirkadaha diyaaradaha si loola dagaallamo tahriibinta dadka

0
3

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Kenya (ODPP) ayaa xoojinaya dadaallada lagula dagaallamayo ka ganacsiga dadka iyo tahriibinta muhaajiriinta, isagoo tababar aqoon-kororsi ah u qabtay shaqaalaha shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa ka howlgala garoomada diyaaradaha.
Brenda Nandwa oo ah qareen sare oo ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta ayaa tababarka ka jeedisay casharro la xiriira sida dacwadaha ka ganacsiga dadka iyo tahriibinta muhaajiriinta loo maxkamadeeyo, muhiimadda caddeymaha iyo doorka markhaatiyaasha.
Tababarkan oo socday muddo saddex maalmood ah waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, oo hoos tagta Qaramada Midoobay, waxaana maalgelisay dowladda Britain.
Waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday shirkadaha diyaaradaha ee Kenya Airways, Jambojet, Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Safarilink, iyo dhinacyo kale oo ay arrintani khuseyso.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray aqoonsiga dadka la tahriibinayo, xeeladaha lagu ogaado shabakadaha dadka ka ganacsada, ka hortagga falalkaasi iyo hababka loo gudbiyo dadka dhibbanayaasha ah si ay u helaan gargaar.
Ujeeddada tababarka ayaa ah in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha kala duwan, si loo ogaado dhibbanayaasha, loo carqaladeeyo shabakadaha tahriibinta dadka, isla markaana tallaabo sharci ah looga qaado dadka falalkaasi ku lugta leh.