Lix sarkaal oo ka tirsan booliiska kenya oo tababar hoggaamin iyo maamul ku soo dhammeystay botswana

0
22

Lix sarkaal oo sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Qaranka Kenya (NPS) ayaa soo dhammaystay tababar socday muddo laba toddobaad ah oo ku saabsanaa hoggaaminta iyo maamulka ciidamada, kaas oo lagu qabtay magaalada Gaborone ee dalka Botswana.
Tababarkan oo ka dhacay Akadeemiyadda Caalamiga ah ee Dhaqangelinta Sharciga (ILEA), ayaa waxaa ka qaybgalay saraakiil ka kala socday Botswana, Ghana, Kenya, Liberia iyo Zambia.
Saraakiisha ayaa lagu tababaray xoojinta hoggaaminta istaraatiijiga ah, maamulka hay’adaha amniga iyo hababka lagu horumarin karo shaqada ciidamada booliiska.
Dhankiisa, Ibrahim Jillo oo ku hadlayay magaca saraakiishii ka kala socotay shanta dal ayaa sheegay in booliisnimada waxtarka leh aysan ku koobnayn awoodda hawlgalka oo keliya, balse ay u baahan tahay hoggaan wanaagsan, daacadnimo, isla xisaabtan iyo aragti fog.
Waxa uu sidoo kale xusay in caqabadaha amni ee maanta jira ay ka mid yihiin dambiyada abaabulan ee dalalka isaga gudba, argagixisada, dambiyada internet-ka, ka ganacsiga dadka iyo dambiyada maaliyadeed.
Jillo ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha amniga, wadaagista xogaha sirdoonka iyo horumarinta xirfadaha hoggaamiyeyaasha mustaqbalka.
Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday dowladaha Mareykanka iyo Botswana, iyadoo hay’adda New Jersey State Association of Chiefs of Police ay bixisay tababarka. Ka qaybgalka saraakiisha Kenya ayaa muujinaya dadaalka Ciidanka Booliiska Qaranka ee ku aaddan horumarinta xirfadaha saraakiisha iyo xoojinta awoodda ay uga jawaabaan caqabadaha amni ee soo kordhaya.