Xafiiska WHO ee Yurub oo sheegay in aan weli laga gudbin COVID-19

0
301

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO qaybteeda qaaradda Yurub ayaa maanta sheegtay in aan weli si dhameystiran looga gudbin saameynta cudurka COVID-19.
Agaasimaha WHO ee qaaradda Yurub ,Hans Kluge ayaa sidatan u sheegay warfidiyeennada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in caabuqa ay toddobaad kasta gobolka ugu dhintaan ku dhawaad 1,000 qof isagoo maamullada caafimaadka ugu baaqay inay xaqiijiyaan in tallaalka ka dhanka ah cudurka uu gaaro ugu yaraan boqolkiiba 70 ee qaybaha bulshada ee nugul.
Laanta WHO ee Yurub ayaa waxaa hoos tago 53 waddan oo ay ka mid yihiin kuwo ku yaalla bartamaha Aasiya.
5-tii bishii Shanaad ee May ayay ahayd markii hay’adda WHO ay ku dhawaaqday in corona aan wixii xilligaasi ka dambeeya loo arag xaalad caafimaad oo degdeg ah oo heer caalami ah.