RSF oo ku dhawaaqday xabbad joojin labo cishe ah

0
238

Ciidamada RSF ee dalka Suudaan ayaa si iskood ah ugu dhawaaqay xabbad joojin shaqeynaysa labo cishe oo lagu tixgelinaya dabbaal degga Ciidul Adxaa.
Taliyaha ciidamadan Maxamad Xamdan Dagalo ayaa hoosta ka xarriiqay in xabbad joojinta ay jiraysa maanta iyo berri oo la ciidi doono.
Mas’uulkan ayaa maqal la soo dhigay Facebook-ga ku sheegay in aynan weerarro gaysan doonin marka laga reebo inay is difaacayaan keliya.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Ciidul Adxaa laga heli doono fursad dib u heshiisiin loogu sameeyo shacabka Suudaan.
Militariga Suudaan iyo kooxaha RSF oo dagaallamayay tan iyo bartamihii bishii Afaraad ee sanadkan ayaa waxaa ku dhintay 2,000 oo qof oo shacab ah halka kumanaan kalena ay dhaawacmeen.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan socdaalka ee (IOM) ayaa laga soo xigtay in dagaallada gudaha Suudaan ay ku barakaceen in ka badan 2 milyan oo qof halka ugu yaraan 600,000 kale ay u qaxeen waddamada Suudaan dariska la ah waxaana gargaar baniaadannimo u baahan 25 milyan oo qof.