WHO oo sheegtay in weerar lagu qaaday isbitaal ku yaalla Suudaan ay ku dhinteen 64 qof oo ay ku jiraan 13 carruur ah

0
377

Weerar lagu qaaday isbitaal ku yaalla gobolka Darfur ee Suudaan ayaa lagu dilay ugu yaraan 64 qof, oo ay ku jiraan 13 carruur ah, sida uu sheegay madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).
Madaxa WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in bukaanno badan, laba kalkaaliso oo haween ah iyo hal dhakhtar oo nin ah ay sidoo kale ku dhinteen weerarka ka dhacay isbitaalka Tababarka al-Daein ee magaalada al-Daein, caasimadda gobolka Bariga Darfur, habeenkii Jimcaha.
89 qof oo kale, oo ay ku jiraan siddeed shaqaale caafimaad, ayaa ku dhaawacmay weerarkaas. Weerarka ayaa burburiyay qeybaha caruurta, hooyada iyo adeegyada degdega ee isbitaalka, taasoo ka dhigtay mid aan shaqeynayn isla markaana joojisay adeegyada caafimaad ee muhiimka ah magaalada.
Tedros ayaa intaa ku daray in tirada guud ee dadka ku dhintay weerarada xaruumaha caafimaadka inta lagu jiro dagaalka Suudaan ay hadda ka badan tahay 2,000, isagoo sheegay in inta lagu jiro ku dhawaad saddex sano oo dagaal u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo xoogagga RSF, WHO ay xaqiijisay dhimashada 2,036 qof oo ku geeriyootay 213 weerar oo lagu qaaday adeegyada caafimaadka.