Xildhibaanada oo u yereen Mbadi iyo Kiptoo si ay uga jawaabaan lacagaha guryaha la awoodi karo

0
397

Guddiga Guryaha ee Barlamaanka ayaa ku wargeliyay Wasiirka Maaliyadda John Mbadi iyo Xoghayaha Maaliyadda Chris Kiptoo inay soo bandhigaan sababta loo daahiyay sii daynta lacag dhan 25 bilyan oo shillin oo loogu talagalay barnaamijka guryaha la awoodi karo.
Guddiga, oo uu hoggaaminayo Mugambi Rindikiri, ayaa sheegay in lacagaha ku xayiran wasaaradda maaliyadda muddo 90 maalmood ah ay khatar gelin karaan mashruuca muhiimka ah ee dowladda.
Xoghayaha Joogtada ah ee Guryaha iyo Horumarinta Magaalooyinka Charles Hinga, ayaa guddiga u sheegay in barnaamijka uu wajahayo caqabado waaweyn maadaama lacagta hore loo maalgashaday ee 25 bilyan ay wali xanniban tahay, taasoo halis gelinaysa in in ka badan 1,700 mashruuc ay istaagaan. Waxaa uu intaa ku daray in lacagta la sii deyn doono dhamaadka bisha, balse haddii wasaaradda maaliyadda aysan ansixin miisaaniyadda dheeraadka ah aan la isticmaali karin lacagtaas.
Guddiga ayaa ka digay in mashruuca uusan qaadi karin dib u dhac dheeraad ah, isagoo ku adkeeyay in 25 bilyan loogu talagalay shacabka lana sii daayo. Xildhibaan Joseph Cherorot ayaa ku eedeeyay wasaaradda maaliyadda in ay si ula kac ah dib u dhigeyso lacag bixinta, taasoo lagu tilmaamay faragelin ama carqaladeyn mashruuca.