Guddoomiyaha Barlamaanka Qaranka, Moses Wetang’ula, ayaa ugu baaqay madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta inuu ka fogaado siyaasadda firfircoon, isla markaana qaato doorka dastuuriga ah ee mideeye qaran xilli dalka uu u sii dhowaanayo doorashada guud ee soo socota. Waxaa uu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Kenya ay u baahan tahay xakameyn iyo dheellitirnaan si loo ilaaliyo wadajirka qaranka.
Isagoo ka hadlayay iskuul ku yaalla Budalang’i, Wetang’ula ayaa ka digay in ka qaybgalka siyaasadeed ee firfircoon ee hoggaamiyeyaashii hore uu keeni karo kala qaybsanaan sii xoogeysata. Waxaa uu qiray doorkii taariikhiga ahaa ee Kenyatta, balse waxaa uu sheegay in hadalladiisii ugu dambeeyay ay halis gelin karaan midnimada qaranka xilli loo baahan yahay isku duubni.
Wetang’ula ayaa tusaale u soo qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka, Daniel arap Moi iyo Mwai Kibaki, isagoo sheegay inay muujiyeen xakameyn ka dib markii ay xilka ka degeen, kana fogaadeen siyaasadda firfircoon, iyagoo ku ekaaday door talo bixin iyo astaan qaran.
Dhanka kale, Uhuru Kenyatta ayaa difaacay ka qaybgalkiisa siyaasadeed ee uu weli ku leeyahay dalka, isagoo sheegay inuu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu ka hadlo arrimaha siyaasadda isla markaana difaaco xisbigiisa Jubilee. Waxaa uu sidoo kale ku eedeeyay dowladda talada haysa inay wiiqayso qaab dhismeedka mucaaradka, arrin uu sheegay inay halis ku tahay dimuqraadiyadda iyo tartanka siyaasadeed.
Hoggaamiyeyaasha dowladda sal ballaaran ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday kooxda mucaaradka midhaysan.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Wetang’ula oo Uhuru Kenyatta ku booriyay inuu ka baxo siyaasadda firfircoon, kuna...




