Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ,Ezekiel Machogu ayaa sheegay in dowladda dhexe ay bisha koowaad ee sanadka 2024-ta soo saari doonto lacagaha sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee (NG-CDF).
Tani ayaa fududeyn doonto in ardayda ku biiraya fasallada koowaad ee dugsiyada sare ay helaan qarashaadka looga bixiyo waxbarashada ee loo yaqaano bursary.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xildhibaannada baarlamaanka ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dib u dhaca ku yimid bixinta lacagahan.
Mudanayaasha ayaa baarlamaanka iskaga soo baxay xilli ay halkaasi howl ka socotay iyagoo dalbanaya in dowladdu ay caddeyso xilliga ay xallinaysa caqabaddan.
Wasiirka tacliinta ee dalka , Ezekiel Machogu ayaa maanta xaqiijiyay in maamulka madaxweyne William Ruto uu qaadaya tallaabooyin lagu xaqiijinaya in aynan sii dib dhicin bixinta lacagaha CDF-ta.




