Aadan Barre Ducaale oo uu shalay madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay wasiirka wasaaradda caafimaadka ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay inuu hoggaamiyaha qaranka uga mahadcelinaya kalsoonida uu u muujiyay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in baraaraha waddanka uu ku tiirsan yahay caafimaadka dadkiisa.
Ducaale ayaa xusay in ay sharaf u ahayd inuu horay u soo noqday wasiirkii deegaanka , kaymaha iyo isbeddelka cimillada.
Waxaa uu tilmaamay in ay dardargeliyeen xeerar ku saabsan arrimaha deegaanka , kaymaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada.
Wasiirka cusub ee wasaaradda caafimaadka dalka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay ka go’an tahay la shaqeynta daneeyayaasha kala duwan si loo dardargeliyo dhaqangelinta siyaasadda dowladda ee dhanka bixinta adeegyada caafimaadka si loo hubiyo in dhammaan kenyaanka ay helaan adeegyo tayo leh.
Waxaa uu caddeeyay inuu mudnaan gaar ah siin doono xoojinta barnaamijka caafimaadka guud ee (UHC) si loo damaana qaado helidda daryeel caafimaad oo loo siman yahay gaar ahaan bulshooyinka nugul.
Wasiir Aadan Barre Ducaale ayaa intaasi ku daray in caafimaadka uu ka mid yahay ajeendaha horumarka dhaqaale iyadoo laga soo billaabaya meel hoose ee loo yaqaano (BETA).
Sidoo kale , waxaa uu xusay inuu rajeynaya inuu adkeeyo wada shaqeynta ka dhexeysa wasaaradaha si sare loogu qaado bixinta adeegyada bulshada oo loo wanaajiyo nolosha rayidka guud ahaan dalka.
Home Wararka Kenya Wasiir Ducaale oo sheegay inuu mudnaan siin doono barnaamijka caafimaadka guud ee...