Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay soo afjaridda muranka dhuleed ee u dhexeeya waaxda militariga iyo shacabka ku nool deegaannada hoose ee Kamagut iyo Kiplombe ee ismaamulka Uasin Gishu .
Arrintan ayuu sheegay xilli uu hoggaamiyaasha dowlad deegaankaasi kula kulmay magaalada Eldoret ka hor inta uunan booqan dhulka lagu muransan yahay.
Waxaa uu wasiirka sheegay in ay kaashan doonaan saraakiisha wasaaradda dhulalka si arrintan xal waara loogu helo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhulkaasi uu leeyahay militariga wadanka isagoo digniin u diray shakhsiyaadka kicinaya shacabka aaggaasi oo uu wacad ku maray in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono.