Wasaaradda Waxbarashada oo ku baaqday wada hadal ka dib markii ardayda UoN ay ku hanjabeen mudaaharaad

0
396

Wasaaradda waxbarashada ayaa balan qaaday in ay wax ka qaban doonto cabashada ay soo gudbiyeen ururka ardayda jaamacada Nairobi (UoN).
Tani ayaa waxaa ay daba socotay mudaaharaad ay shalay ardeyda ka sameyeen bannaanka xafiisyada Wasaaradda Waxbarashada ee Jogoo House ee magaalada Nairobi, iyagoo dalbanaya in dib u eegis lagu sameeyo kharashaadka guryaha ardeyda.
Xoghayaha guud ee waxbarashada Beatrice Inyangala ayaa sheegtay in wasaaradda ay wadahadal la yeelan doonto madaxda ardayda si loo xaliyo ismari waaga hadda khatarta ku ah waxbarashada mid ka mid ah machadyada caanka ah ee dalka.
Sida laga soo xigtay Inyangala, wadahaajoodyadii hore ayaa muujiyay in wadahadalada lagu heli karo arrimo wax ku ool ah.
Dhanka kale, ardeyda, ayaa codsigii ay u gudbiyeen Wasaaradda, waxaa ay ku baaqeen in si deg deg ah loo dhimo kharashka ku baxa kireenta guryaha ee ardeyda ka deggan yihiin jaamacada iyagoo intaa ku daray in hadii lagu guuldareysto ay bannaanbax sameyn doonaan.