Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 45 qof oo ay ka mid yihiin 23 isugu jiro carruur , haween iyo waayeello lagu dilay Rafah.
Tani ayaa timid ka dib markii ay Israa’iil weerartay teendhooyin hooy u ah dad ka soo barakacay duqeymaha Qaza.
Waxaa halkaasi lagu dhaawacay 249 ruux oo kale.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay in ay qalad ahayd in la bartilmaameedsado rayid isagoo xusay in dhacdadaasi la baaraya.