Warbaahinta Israa’iil oo tabinaysa in dad meydadkooda laga helay Khan Younis ay ku geeriyoodeen weerar la gaystay

0
332

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee Israa’iil ayaa ku warramaya in ay u badan tahay in 6 qof oo meydadkooda laga helay magaalada Khan Younis ee Koonfurta Qaza ay ku dhinteen weerar ay Israa’iil gaysatay.
Shalay ayay ahayd markii uu militariga Israa’iil sheegay in 6-da qof ee meydadkooda la helay ay ka mid ahaayeen maxaabiista u xiran ururka Xamaas.
Hasa ahaate, wararka qaar ayaa tibaaxaya in ay suurtagal tahay in dadkan ay sababsadeen gaas qubmay ama daatay ka dib markii ciidamada difaaca ee Israa’iil ay bartilmaameedsadeen dhuumo shidaal oo ku taalla Khan Younis.