Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wararkii ugu dambeeyay ku dhawaaqista golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ku dhawaaqista golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirrada.
Warar ay warbaahinta heshay ayaa sheegaya in xafiiska Ra’iisul wasaaraha ay hadda ku sugan yihiin xubnaha loo magacaabayo xilalka wasiirrada ee cusub, Waxaa kale oo goobjoog ah wariyeyaal ka socda gudaha iyo dibadda.
Wararku waxay sheegayaan in isbeddel yar lagu sameyn doono wasaaradaha qaar. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa la filayaa in aysan ka soo dhex muuqan doonin liiska cusub, Waxaa la soo kordhin doonaa wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyadoo wasaaradda Dastuurkana lagu biirin doono wasaaradda Caddaalladda iyo Garsoorka.
Wejiyo cusub ayaa la filayaa inay ka soo muuqan doonaan golaha wasiirrada.
Ra’iisul wasaare Xamse oo xilka loo magacaabay 15-kii Juun ayuu baarlamaanka federaalka ah 25-kii Luulyo muddo 10 cisho ah oo dheeraad ah u siiyay inuu ku soo dhiso xukuumadda cusub.
Halkan kala soco wararka ku soo kordha arrintan iyo magacyada wasiirrada ee rasmiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments