Ururro sheegay in ugu yaraan 200 oo qof ay ku dhaawacmeen dibadbaxyada Kenya

0
581

Ururro dhowr ah oo ay ka mid yihiin LSK, IMLU,Amnesty International iyo Defenders Coalition ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in tan iyo markii ay billowdeen dibadbaxyada ka dhanka ah hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan la dhaawacay ugu yaraan 200 oo qof.
Waxay intaasi ku dareen in mudaaharaadyada ay ka dhaceen 19 ka mid ah ismaamullada waddanka.
Dowlad deegaannadan ayaa kala ah Nairobi, Nyeri, Nakuru ,Kisumu, Uasin Gishu gaar ahaan magaalada Eldoret, Isiolo , Kisii, Laikipia(Nanyuki), Kilifi , Garissa, Kiambu(Thika), Kakamega , Meru, Kericho, Kirinyaga , Mombasa, Embu, Machakos iyo Migori.
Ururradan iyo Hay’adahan ayaa intaasi ku daray in ilaa 6 qof ay baabuur jiireen xilli ay ka cararayeen ciidamada booliiska.
Waxay sheegeen in ay kumanaan dhallinyaro ah ku bogaadinayaan in ay si nabad ah dibadbax u sameeyeen in kastoo ay ciidamada booliiska u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo baabuurta biyaha rusheeya.
Sidoo kale , ururradan ayaa u mahadceliyay saraakiisha caafimaadka ee daryeelka u fidinayay dibadbaxayaasha ay waxyeelladu soo gaartay.
Bayaanka waxaa ku cad in ugu yaraan 35 qof lagu xiray
Dadkan ayaa sida ku cad bayaanka hay’adahan waxay isugu jiraan 20 lagu xiray Nairobi , Garissa(1), Kisumu(3), Vihiga(4) , Narok(4) Uasin Gishu(7) iyo Nakuru (2)
Booliiska ayay ugu baaqeen in ay aad iskaga ilaaliyaan in ay dibadbaxayaasha u adeegsadaan awoodo xad dhaaf ah iyadoo dadka mudaaharaadyada sameynaya lagu boorriyay in ay tabashooyinkooda u muujiyaan si nabdoon .